Qisadii qoomki kibray

Qoomkaa waawayn ee gaaladu la yaabantahay iyagoo leh goormay dadkan waawayn ay dunida ku noolaan jireen

markaan arkey

Allah swt ayaa waxwalba oge waxa niyadeyda ku soo dhacdey

Qisadii Qoomkii kibirka badnaa ee Caad.
===============================

Inta ay garbaha is qabsadaan ayey Nebigii loosoo diray hortiisa ku oran jireen miyey jirtaa cid aduunka joogta oo innaga abood badan?

Reer Caad qoom noocee ah ayey ahaayeen marka abuurkooda Qur’aanka lagu waramay?

Kadib halaagii qoomkii Nebi Nuux CS waxaa Ilaahey dhulka ugu beeray qoom kale oo lagu magacaabo Caad.

Waa makhluuq noocooda oo kale aan aduunka lagu arag xagga abuurka iyo xooga ay leeyihiin.

Allah isaga oo kawaramaya qolodaan waxa Uu yiri:-

قال تعالى: “التي لم يخلق مثلها في البلاد”

Waxay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan caabudida Asnaamta iyo Geedaha iyaga oo ka weecday jidkii xaqa ahaa Ee toosnaa.

Kadib waxaa uu Rabbi u soo diray Nebi Ayaga Ka dhashay oo lagu magacaabo Huud CS dadaalkiisa darteeda waxaa loogu magacdaray suurad dhan oo Quraanka kamid ah waana:-

“سورة هود”

Juhdi fara badan ayuu geliyay isaga oo uga digay in ay ku dhintaan gaalnimada ay doorteen awooda La siiyayna ay u isticmaalaan diinta Alle in ay ugu adeegaan.

Waa ay ka dhago adeegeen oo ay beeniyeen Rasuulkii loo diray maxaa dhacay kadib.

Waxaa uu Alle doonayey in uu halaago reer Caad Maadama xaqii diideen Nebigiina ay ku jees jeesen.

Waxaa maalin soo istaagay korkooda daruuro aad u waa weyn markaas ayey ku farxeen iyagoo u maleeynayey in uu roob lagu diirsado u di’i doono.

Xaqiiqdii arinta roob waa ay ka weyn tahay waxaa la socdo dabeeylo iyo duufaan cadaab wato oo ugu dambeyn lagu halaagay.

Soo qor #allahu_akbar

AQRISO Maxaad Ka Taqaan Siyaad Barre Iyo Qudbadii Ugu Dambeeysay. Maanta oo kale 4 ila 21 Oktobar

• Waa Kuma Maxamed Siyaad Barre ?

Sanadkii 1919 ayuu dhashay. Gobolka Gedo ayuu kasoo jeedaa ee Somaliya. Wuxuuna ku dhashay Shilaabo. ogadeenia
Qabiilka lagu garto waa Mareexaan

Wuxuu noqday madaxweynihii 3aad ee Somaliya. Maanta oo kale October 1969 Habeen saqdhexe oo isniin soo galeeyso ayuu dalka kula wareegay afgambi aan dhibic dhiig ah ku daadan.

Subixii waxaa lasoo kacay wadanka oo dhan oo uu gacanta ugu jiro Jaalle Maxamed Siyaad barre.

21 Sano oo uu dalka maamulayay waxaa la xaqiijiyay in Maxamed Siyaad Barre uu isaga wax ka dhigay Somaliya. Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay

• Isku Filnaansho

Wax soo saarka Warshadaha dalka, wadooyinka, ammaanka, caafimaadka, wax soo saar gaar ah, kala dambeyn, sharci, garsoor cadaalad ah, masuq maasuq la’aan, Qorida Luuqada afka Somaliya oo uu hirgaliyay

Ciidamo aduunka la dagaalami kara, dagaaladii dariska uu kaga guuleystay, hormarka caasimadda Muqdisho iyo Hargeysa, Waxbarasho free ah, daryeelka caruurta, kahortaga abaar walba oo dhacda. Midnimo iyo wadanimo

Intaas iyo inka badan ayuu Siyaad Barre dalka kusoo kordhiyay. Siyaad Barre la’aantii magaca Somaliya ma jireen sida la aaminsan yahay

• MAGACEE LOOGU YEERI JIRAY

Dadkii oo dhan ayaa markii dambe Maxamed Siyaad Barre ula baxay magaca Aabe siyaad.

Sawiradiisana waxey ku dhagsan jireen meel walbo sida xarumaha ganacsiga, waxbarashada iyo gawaarida. Aad ayaa loo jeclaa

• Qudbadii Ugu Dambeeysay (Dardaaran)

Markii Jabhadaha ay talada dalka ka rideen Maxamed Siyaad Barre oo uu dalka galay marxalad dagaal 1991 ayuu qudbadaan jeediyay.

“Somaliyeey i maqla, war aan ismaqalno. Waa in aynu garanaa cida aanahay iyo waxa aanahay. Waa inaan isku eegnaa muraayad oo aan garano wajigeena waa kuma”

“Waxaan la yaabanahay ninka inta xafiis dowladeed galay ee warqadihii yaalay laamiga ku daadinaya. Xagee u socdaa? Halkee ayuu geynayaa? Yuusa siinayaa warqadahaas? Ajnabi miyuu ka gadayaa”

“Waxaa kasii daran midka xabada kuwada shacabka ee hadana hantidooda dhacaya. War kadayaa dadka xabada oo u daaya guryahooda”

“Waxaad tihiin Somali, waxaa tihiin dad sharaf leh, karaamo ayaad leedihiin, wixiina ha xoorinee almiino xoortee lakin wax uun reebta”

“Xitaa qaarkiin waxaad gaarteen in diinta aad iibsataan, Waa xaaraan. War caqli isku yeela. Alle wuxuu caqli idin siiyay inaad ku fikirtaan”

“Waxaan codsanayaa in ugu yaraan xabada laga joojiyo hooyooyinka aan qixi karin, caruurta iyo aabayaasha. War kadayaa hadaad naxariis leedihiin”

“Dal ayaan ka tagay ee dad kama tagin. Waxaan hadalkaas u leeyahay waa kuwan dalkii awooda badnaa ee dhisnaa sidan ka dhigay. Somaliyeey isu tashada”

Siyaad Barre ayaa 1995 ku geeriyooday magalada lagos ee dalka Nigeria. Waana maanta oo kale markii uu somaliya kula wareegay afgambi xasiloon

Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre ma yahay Madaxweynihii ugu fiicnaa Somaliya soo mara?

AQRISO Maxaad Ka Taqaan Siyaad Barre Iyo Qudbadii Ugu Dambeeysay. Maanta oo kale 4 ila 21 Oktobar • Waa Kuma Maxamed Siyaad Barre ? Sanadkii 1919 ayuu dhashay. Gobolka Gedo ayuu kasoo jeedaa ee Somaliya. Wuxuuna ku dhashay Shilaabo. ogadeenia Qabiilka lagu garto waa Mareexaan Wuxuu noqday madaxweynihii 3aad ee Somaliya. Maanta oo kale October 1969 Habeen saqdhexe oo isniin soo galeeyso ayuu dalka kula wareegay afgambi aan dhibic dhiig ah ku daadan. Subixii waxaa lasoo kacay wadanka oo dhan oo uu gacanta ugu jiro Jaalle Maxamed Siyaad barre. 21 Sano oo uu dalka maamulayay waxaa la xaqiijiyay in Maxamed Siyaad Barre uu isaga wax ka dhigay Somaliya. Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay • Isku Filnaansho Wax soo saarka Warshadaha dalka, wadooyinka, ammaanka, caafimaadka, wax soo saar gaar ah, kala dambeyn, sharci, garsoor cadaalad ah, masuq maasuq la’aan, Qorida Luuqada afka Somaliya oo uu hirgaliyay Ciidamo aduunka la dagaalami kara, dagaaladii dariska uu kaga guuleystay, hormarka caasimadda Muqdisho iyo Hargeysa, Waxbarasho free ah, daryeelka caruurta, kahortaga abaar walba oo dhacda. Midnimo iyo wadanimo Intaas iyo inka badan ayuu Siyaad Barre dalka kusoo kordhiyay. Siyaad Barre la’aantii magaca Somaliya ma jireen sida la aaminsan yahay • MAGACEE LOOGU YEERI JIRAY Dadkii oo dhan ayaa markii dambe Maxamed Siyaad Barre ula baxay magaca Aabe siyaad. Sawiradiisana waxey ku dhagsan jireen meel walbo sida xarumaha ganacsiga, waxbarashada iyo gawaarida. Aad ayaa loo jeclaa • Qudbadii Ugu Dambeeysay (Dardaaran) Markii Jabhadaha ay talada dalka ka rideen Maxamed Siyaad Barre oo uu dalka galay marxalad dagaal 1991 ayuu qudbadaan jeediyay. “Somaliyeey i maqla, war aan ismaqalno. Waa in aynu garanaa cida aanahay iyo waxa aanahay. Waa inaan isku eegnaa muraayad oo aan garano wajigeena waa kuma” “Waxaan la yaabanahay ninka inta xafiis dowladeed galay ee warqadihii yaalay laamiga ku daadinaya. Xagee u socdaa? Halkee ayuu geynayaa? Yuusa siinayaa warqadahaas? Ajnabi miyuu ka gadayaa” “Waxaa kasii daran midka xabada kuwada shacabka ee hadana hantidooda dhacaya. War kadayaa dadka xabada oo u daaya guryahooda” “Waxaad tihiin Somali, waxaa tihiin dad sharaf leh, karaamo ayaad leedihiin, wixiina ha xoorinee almiino xoortee lakin wax uun reebta” “Xitaa qaarkiin waxaad gaarteen in diinta aad iibsataan, Waa xaaraan. War caqli isku yeela. Alle wuxuu caqli idin siiyay inaad ku fikirtaan” “Waxaan codsanayaa in ugu yaraan xabada laga joojiyo hooyooyinka aan qixi karin, caruurta iyo aabayaasha. War kadayaa hadaad naxariis leedihiin” “Dal ayaan ka tagay ee dad kama tagin. Waxaan hadalkaas u leeyahay waa kuwan dalkii awooda badnaa ee dhisnaa sidan ka dhigay. Somaliyeey isu tashada” Siyaad Barre ayaa 1995 ku geeriyooday magalada lagos ee dalka Nigeria. Waana maanta oo kale markii uu somaliya kula wareegay afgambi xasiloon Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre ma yahay Madaxweynihii ugu fiicnaa Somaliya soo mara?

Shan xikmadoos oo kamid ah xikmadihi Imaan Ka weyn ee Cali Bin Abi daalib

5 shan xikmadood oo ka mid ah ximadihii iimaamkii waynaa ee – Cali Bin abii Daalib ale haka raali noqdee waa xikmad ku anfici dona”

1: Qofka hadalkiisu fara-bato waxaa fara
bata gafafkisa iyo khaladaadkiisa. qofka khaladaadkiisu fara-batana waxaa yaraada xishoodkiisa. qofka xishoodkiisu yaraadana waxaa yaraada xalaal cunidiisa. qofka ay xalaal cunitaankiisu yaraatana waxaa dhinta
Qalbigiisa. qofka qalbigiisu dhintana wuxuu galaa naarta ” ilaahow naga bad baadi”

2: Shan arimood aniga iga qaata. Cali ah “

“• 1.qofku yuuna wax ka rajaynin cidaan rabigii ahayn.
2 qofku yuuna ka baqanin waxaan danbigiisa ahayn.
3 yuuna ka xishoonin qofka jaahil ka ah inuu culumada waydiiyo wuxuuna garanaynin.
4 yuuna ka xishoonin qofka caalimka ihi marka lawaydiiyo wuxuuna garanaynin inuu dhoho magaranayo ee ilaahay ayaa og.
5 Samirku wuxuu ka mid yahay iimaanka wuxuuna imaanka uyaalaa samirku booska uu maduxu uyaalo jidhka intiisa kale iimaan dhamaystiran malah qof aan samir lahayni”

3: Qof caqli leh oo aan edaab lahay waa sida ruux geesi ah oo aan hub haysanin “

4: Wax khayra malaha akhrinta quranku hadii aadan ufiirsanaynin macnaha quraanka .
Wax khayra malaha cilmi aan xalaal cunid ku jirin .wax khayra malaha hanti aan deeqsimo la soconin. wax khayra malaha walaal nimo aan ilaalin la soconin .wax khayra malaha nicmo iyo barqaaqo aan joogaynin waligeed .
Oo dhamaanaysa sida aduunyada oo kale.”

5: Quruxdu ma aha xidhashada dhar qurux badan iyo jidhqurux badann iyo is qurxinta laakiin quruxdu waa qurxinta camalka cilmigaaga iyo edaabtaada akhlaaqdaada.”
Hawaarto FAAFINTA DACWADA ISLAAMKA Mohamed Ibrahim Ali Kenyawi Abubakar Mohammed
Sheikh Mohammed Ali Jabarti

Deg Deg Police Ka Minneapolis ee Aya xiray wiil Somaliyeed kadib marku dhegta Ka qaninay.

Mukhtaar Hassan ayaa lagu xiray Minneapolis ee caariga Mareykan Ka Kadib Markii uu ka Qaniinay Dhagta Wiil ay wada cayarayeen Kubad taasoo Qeyb dhan uu Goostay dhagtii.

Qaybta dhegta ninka la qaniinay ka go day lama helin, haddii la heli halaa qaybta dhegta ninka wax qaniinay uu goostay dhakhaatiirta ayaa dib ugu dhejin lahaa,

balse waa la wayaay qaybta ka go’day dhegta.

Dhacdha Aya ah mid udug oo Ka dad badan la yaab iyo aaamakag ee Ku reebte