Qoomkaa waawayn ee gaaladu la yaabantahay iyagoo leh goormay dadkan waawayn ay dunida ku noolaan jireen
markaan arkey
Allah swt ayaa waxwalba oge waxa niyadeyda ku soo dhacdey
Qisadii Qoomkii kibirka badnaa ee Caad.
===============================
Inta ay garbaha is qabsadaan ayey Nebigii loosoo diray hortiisa ku oran jireen miyey jirtaa cid aduunka joogta oo innaga abood badan?
Reer Caad qoom noocee ah ayey ahaayeen marka abuurkooda Qur’aanka lagu waramay?
Kadib halaagii qoomkii Nebi Nuux CS waxaa Ilaahey dhulka ugu beeray qoom kale oo lagu magacaabo Caad.
Waa makhluuq noocooda oo kale aan aduunka lagu arag xagga abuurka iyo xooga ay leeyihiin.
Allah isaga oo kawaramaya qolodaan waxa Uu yiri:-
قال تعالى: “التي لم يخلق مثلها في البلاد”
Waxay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan caabudida Asnaamta iyo Geedaha iyaga oo ka weecday jidkii xaqa ahaa Ee toosnaa.
Kadib waxaa uu Rabbi u soo diray Nebi Ayaga Ka dhashay oo lagu magacaabo Huud CS dadaalkiisa darteeda waxaa loogu magacdaray suurad dhan oo Quraanka kamid ah waana:-
“سورة هود”
Juhdi fara badan ayuu geliyay isaga oo uga digay in ay ku dhintaan gaalnimada ay doorteen awooda La siiyayna ay u isticmaalaan diinta Alle in ay ugu adeegaan.
Waa ay ka dhago adeegeen oo ay beeniyeen Rasuulkii loo diray maxaa dhacay kadib.
Waxaa uu Alle doonayey in uu halaago reer Caad Maadama xaqii diideen Nebigiina ay ku jees jeesen.
Waxaa maalin soo istaagay korkooda daruuro aad u waa weyn markaas ayey ku farxeen iyagoo u maleeynayey in uu roob lagu diirsado u di’i doono.
Xaqiiqdii arinta roob waa ay ka weyn tahay waxaa la socdo dabeeylo iyo duufaan cadaab wato oo ugu dambeyn lagu halaagay.
Soo qor #allahu_akbar
Qisadii qoomki kibray