AQRISO Maxaad Ka Taqaan Siyaad Barre Iyo Qudbadii Ugu Dambeeysay. Maanta oo kale 4 ila 21 Oktobar

• Waa Kuma Maxamed Siyaad Barre ?

Sanadkii 1919 ayuu dhashay. Gobolka Gedo ayuu kasoo jeedaa ee Somaliya. Wuxuuna ku dhashay Shilaabo. ogadeenia
Qabiilka lagu garto waa Mareexaan

Wuxuu noqday madaxweynihii 3aad ee Somaliya. Maanta oo kale October 1969 Habeen saqdhexe oo isniin soo galeeyso ayuu dalka kula wareegay afgambi aan dhibic dhiig ah ku daadan.

Subixii waxaa lasoo kacay wadanka oo dhan oo uu gacanta ugu jiro Jaalle Maxamed Siyaad barre.

21 Sano oo uu dalka maamulayay waxaa la xaqiijiyay in Maxamed Siyaad Barre uu isaga wax ka dhigay Somaliya. Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay

• Isku Filnaansho

Wax soo saarka Warshadaha dalka, wadooyinka, ammaanka, caafimaadka, wax soo saar gaar ah, kala dambeyn, sharci, garsoor cadaalad ah, masuq maasuq la’aan, Qorida Luuqada afka Somaliya oo uu hirgaliyay

Ciidamo aduunka la dagaalami kara, dagaaladii dariska uu kaga guuleystay, hormarka caasimadda Muqdisho iyo Hargeysa, Waxbarasho free ah, daryeelka caruurta, kahortaga abaar walba oo dhacda. Midnimo iyo wadanimo

Intaas iyo inka badan ayuu Siyaad Barre dalka kusoo kordhiyay. Siyaad Barre la’aantii magaca Somaliya ma jireen sida la aaminsan yahay

• MAGACEE LOOGU YEERI JIRAY

Dadkii oo dhan ayaa markii dambe Maxamed Siyaad Barre ula baxay magaca Aabe siyaad.

Sawiradiisana waxey ku dhagsan jireen meel walbo sida xarumaha ganacsiga, waxbarashada iyo gawaarida. Aad ayaa loo jeclaa

• Qudbadii Ugu Dambeeysay (Dardaaran)

Markii Jabhadaha ay talada dalka ka rideen Maxamed Siyaad Barre oo uu dalka galay marxalad dagaal 1991 ayuu qudbadaan jeediyay.

“Somaliyeey i maqla, war aan ismaqalno. Waa in aynu garanaa cida aanahay iyo waxa aanahay. Waa inaan isku eegnaa muraayad oo aan garano wajigeena waa kuma”

“Waxaan la yaabanahay ninka inta xafiis dowladeed galay ee warqadihii yaalay laamiga ku daadinaya. Xagee u socdaa? Halkee ayuu geynayaa? Yuusa siinayaa warqadahaas? Ajnabi miyuu ka gadayaa”

“Waxaa kasii daran midka xabada kuwada shacabka ee hadana hantidooda dhacaya. War kadayaa dadka xabada oo u daaya guryahooda”

“Waxaad tihiin Somali, waxaa tihiin dad sharaf leh, karaamo ayaad leedihiin, wixiina ha xoorinee almiino xoortee lakin wax uun reebta”

“Xitaa qaarkiin waxaad gaarteen in diinta aad iibsataan, Waa xaaraan. War caqli isku yeela. Alle wuxuu caqli idin siiyay inaad ku fikirtaan”

“Waxaan codsanayaa in ugu yaraan xabada laga joojiyo hooyooyinka aan qixi karin, caruurta iyo aabayaasha. War kadayaa hadaad naxariis leedihiin”

“Dal ayaan ka tagay ee dad kama tagin. Waxaan hadalkaas u leeyahay waa kuwan dalkii awooda badnaa ee dhisnaa sidan ka dhigay. Somaliyeey isu tashada”

Siyaad Barre ayaa 1995 ku geeriyooday magalada lagos ee dalka Nigeria. Waana maanta oo kale markii uu somaliya kula wareegay afgambi xasiloon

Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre ma yahay Madaxweynihii ugu fiicnaa Somaliya soo mara?

Leave a Comment